|
Muqdisho,(insidesomalia.org))- Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa manta markale waxa ay dib ugu laabteen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose kuwaasi oo watay Gaadiidka dagaalka, islamarkaana waxa ay fariisin ka sameeysteen xaruntii Todobaad ka hor ay halkaasi ka dageen markii ay tageen Magsaalada Marka.
Ciidamadaan Itoobiyaanka ah oo ay la socdaan Ciidamo Soomaali ah ayaa barqanimadii manta waxa ay gareen Maagaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamadaan oo ahaa kuwo aad u hubeysan ayaa ku yimid in kabadan 20 Gawaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa Qaada Ciidamada Militiriga.
Markii ay galeen Magaalada Marka waxa ay isla markiiba fariisin ka sameysteen xaruntii todobaad ka hor ay isga baxeen oo ku taalka Xaafada Ayuub ee duleedka Xaga galbeed ee Magaalada marka .
Lama oga ujeedada dhabta ah ee ka dambeeysa dib u soo noqoshada Ciidamada Dowlada Itoobiya, balse Magaalada Marka ayaan aheyn Magaaladii ugu horeysay oo Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan hadana dib ugu soo laabtaan, laakin Degmada qoryooleey isla Gobolka Shabelaha Hoose ayaa maalmo ka hor waxaa dib ugu soo laabtay Ciidamadii Itoobiyaanka ee horay halkaasi isgabaxay.
Arimahaan oo idil ayaa waxaa ay kulug leeyeeyihiin dhaq dhaqaayada Tadobaadyadan Ciidamada Itoobiya ay kawadaan guud ahaan Gobolka Shabeelha Hoose.
|